القرن الإفريقي
هل تريد التفاعل مع هذه المساهمة؟ كل ما عليك هو إنشاء حساب جديد ببضع خطوات أو تسجيل الدخول للمتابعة.

Dadaalkii iyo Deeqsinimadii Rasuulka (NNKH) ee bisha Ramadaan

اذهب الى الأسفل

Dadaalkii iyo Deeqsinimadii Rasuulka (NNKH) ee bisha Ramadaan Empty Dadaalkii iyo Deeqsinimadii Rasuulka (NNKH) ee bisha Ramadaan

مُساهمة من طرف abshir الأربعاء سبتمبر 17, 2008 4:47 pm

Caa'isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri "ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray". Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas. Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaaro habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheereeyn jiray salaadaha habeenkii.
Habeenkii saqda dhexe marka la gaaro wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku oran jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul aqrin jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay "waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada.."Suuradda Daha 132. Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: "waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay". Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa'iideysan lahayn kheyrkeeda, oo yaan gadaal danbe uga qoomamayn.

Walaalayaal sidoo kale bisha ramadaan waa bil dadku aad ugu dadaalaan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas (Rc) wuxuu yiri "Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur'aanka". Sidaa darteed wuxuu Imaamu Shaafici yiri "waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw).

Dhinaca kale wuxuu Rasuulka (scw) qur'aanka la daraasayn jiray oo la aqrin jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur'aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka (scw) waxay qur'aanka khatimeen labo jeer.
Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa waa fadli aad u weyn.

Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa'iideystaan fadliga ramadaanka

abshir
مشرف

عدد الرسائل : 3
العمر : 35
تاريخ التسجيل : 12/09/2008

الرجوع الى أعلى الصفحة اذهب الى الأسفل

الرجوع الى أعلى الصفحة


 
صلاحيات هذا المنتدى:
لاتستطيع الرد على المواضيع في هذا المنتدى